La Ogaaday: Mohamed Salah Oo Ku Dhawaaday In Uu Ku Biiro Koox Premier League Ah Ka Hor Intii Uuna Heshiiska Cusub U Saxiixiin Liverpool.

Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa inuu ku fikiray inuu dib ugu laabto Chelsea ka hor inta uusan heshiis cusub u saxiixin Liverpool.

Xiddiga reer Masar ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagi karo Anfield, iyadoo qandaraaskiisii ​​hore dhacayay xagaaga dambe.

Si kasta ha ahaatee Reds ayaa jimcihii ku dhawaaqday in uu Salah heshiis cusub u saxiixay kooxda kana dhigtay xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda kooxda.

Sida laga soo xigtay The Sun, Xiddiga Salah ayaa ku dhawaa in uu ku laabto chelsea markii ay wadahadalada heshiis kordhinta Liverpool istaageen.

Milkiilaha cusub ee kooxda chelsea Todd Boehly ayaa diyaar u ahaa in uu xiddiga dib ugu celiyo Stamford Bridge isaga oo xitaa wadahadalo la qaatay wakiilka xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in arintaas ku qancisay Liverpool in ay ogolaato mushaharka uu Mohamed Salah dalbanayo sidaasna ku go’aansatay in ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga.