La Ogaaday: Meeshii Ku Laabashada Cristiano Ronaldo Ee Man United Lagu Dhamaystiray Oo La Ogaaday.

Marti galiyaha Barnaamijka Match of the Day Gary Lineker ayaa shaaca ka qaaday in ku soo laabashadii Cristiano Ronaldo ee Manchester United lagu dhameeyay beertiisa.

Ronaldo ayaa ku soo laabtay Old Trafford maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga kadib 12 sano oo uu ka maqnaa kooxda Red Devils.

United ayaa jimcihii kana horaysay maalintii ugu dambaysay ku dhawaaqday in ay Juventus kala heshiisay qiimaha xiddiga iyada oo maalintii ugu dambaysay la dhamaystiray heshiiska.

Xiddiga reer Portugal ayaa saxiixay heshiis 2 sano ah oo uu kula joogi doono Man United iyo hal sano oo dheeraad ah.

Waxaana Lineker uu hadda shaaca ka qaaday in wada xaajoodkii ugu dambeeyay lagu qabtay beertiisa.

“Wax walba waan sheegayaa, Ed Woodward waa saaxiib aan isku dhawnahay, waxana uu ku noolyahay guriga igu xiga”Lineker ayaa yidhi.

“Waxa uu dhamaystiray saxiixa Cristiano Ronaldo markii uu joogay beertayda! Waxay ahayd wax laga naxo. Markii uu soo galay wuxuu taleefan kula hadlayey Jorge Mendes”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*