La Ogaaday: Man United Oo Ku Fashilantay Isku Day Wakhti Dambe Ah Oo Ay Doonaysay In Ay Chelsea Kaga Afduubato Saxiixeeda Cusub.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ku fashilantay isku day ay ku doonaysay in ay Chelsea ka afduubato saxiixa daafaca dhexe e Tosin Adarabioyo.

Kooxda Chelsea ayaa qaab xor ah kula wareegtay xiddiga kadib markii uu ka tagay Fulham.

Blues ayaa saxiixa xiddiga ka afduubatay Newcastle kuwaas oo muddo lala xidhiidhinayay saxiixiisa.

Laakiin sida laga soo xigtay Daily Mail, Blues ayaa iska caabisay dadaal wakhti dambe ah oo ay kala kala kulantay Man United si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Wargayska ayaa sheegaya in Red Devils dalab Rasmi ah miiska u saartay xiddiga bilowgii todobaadkan.

Laakiin xiddiga yaa la sheegayaa in uu iska diiday dalabkaas maadama uu heshiis la gaadhay Chelsea.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga