La Ogaaday: Man United & Juventus Oo Isku Af-gartay Heshiis Isku Badalasho Ah Laakii….

Kooxda Juventus ayaa xidhiidh kale la samaysay kooxda Man United iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

Xiddiga reer Frnce ee Pogba ayaa wali bartilmaameedka 1-aad u ah Juventus inkasta oo ay kooxdu wajahayso xaalad dhaqaale xumo.

Wargayska TMW ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus dhigeeda Man United u soo bandhigtay heshiis is dhaafsi ah kaas oo ay labada kooxood isku dhaafanayaan xiddigaha Paulo Dybala iyo Paul Pogba.

Dhanka kale labada xiddig ayaa ku faraxsanaa heshiiska waliba heshiiska shaqsiga ah la kala gaadhay labada kooxood.

Laakiin Man United ayaa badashay go’aankeeda daqiiqadihii ugu dambeeyay iyada oo Juventus ka dalbatay lacag dheeraad ah oo ay ku darto heshiiska Dybala maadama ay aaminanyihiin in uu Pogba ka fiican yahay Dybala.

Taas ayaana keentay in uu heshiisku bur-buro oo ay kooxda Juventus ka baxdo heshiiska maadama ayna diyaar u ahayn in ay lacag raaciso Dyabala.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*