LA OGAADAY: Man City Oo Ku Fashilantay Heshiis Isku Badalasho Ah Oo Ay La Samayn Lahayd Bayern Munich.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayday in ay xiddiga Kingsley Coman ku hesho heshiiskii ay Bayern Munich uga iibisay xiddiga Leroy Sane sida ay sheegayaan wararka ka imanay Germany.

Sane, oo 24 jir ah, ayaa dhameystiray heshiis 54 milyan ah oo uu ugu biiray Bayern Todobaadkii hore ka dib markii uu sheegay inuu doonayo inuu ka tago City oo uu hal sano uga hadhsanaa heshiiskiisa.

Bayern Munich aaya si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga 12-kii bilood ee la soo dhaafay xilli ay kooxdu xitaa ku dhawaatay saxiixiisa xagaagii hore.

Guardiola ayaa doonayay in uu sii haysto xiddiga laakiin waxa uu diiday in uu heshiis cusub saxiixo waxana ay Man City go’aansatay in ay iska iibiso inta uu heshiiska kula jiro kooxda.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in kooxda Man City isku dayday in ay qayb ka mid ah heshiiska Sane ku hesho xiddiga Coman ka hor intii aan la dhamaystirin heshiiska.

Isla wargayska ayaa sheegaya Kooxda Man City ay Bayern Munich u soo bandhigtay heshiis ay isku dhaafsanayaan xiddigaha Leroy Sane iyo Kingsley Coman laakiin Bayern Munich ayaa is cad u diiday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*