La Ogaaday: Man City Oo Isku Dayday In Ay La Saxiixato Xiddig U Ciyaara Barcelona Kadib Markii Uu Messi Go’aansaday In Uu Iska Sii Joogo Kooxda

Kooxda Manchester City ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayday saxiixa weeraryahanka kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Man City ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub iyadoo raadineysa bedelka Halyeeyga Kooxda ee Sergio Aguero.

Idaacada RAC1 ayaa sheegeysa in City ay xiriir la sameysay xiddiga koobka adduunka kula guulaystay xulka qaranka France ee Griezmann.

Talaabadan ayaa loo qaaday kadib go, aankii uu Lionel Messi kaga laabtay codsigiisii ahaa in uu isaga tago kooxda Laba todobaad ka hor iyada oo ay Man city u weecatay xiddiga reer France ee ay Messi isku kooxda yihiin.

Si kasta ha ahaatee Kooxda Barcelona iyo waliba wakiilka xiddiga Griezmann ayaa si deg-deg ah Man City ugu sheegay in ayna iska lumin wakhtigooda xiddiguna meelna uga socon kooxda Barcelona.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*