La Ogaaday: Man City Ka Gudbisay Saxiixa Kalidou Koulibaly Ee Laga Diiday Oo La Ogaaday.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay ku fashilantay dalab dhan 55 milyan oo euro oo ay Napoli kaga doonaysay saxiixa daafaca Kalidou Koulibaly intii uu furnaa suuqii xagaagu.

Xiddiga reer Senegal ayaa sii joogay kooxda Napoli inkasta oo si weyn loolal xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda ku ciyaarta Stadio San Paolo.

City ayaa ka mid ahayd kooo dhawr ah oo doonayay saxiixa xiddiga 29 jirka ah kaas oo ah xiddiga ugu fiican kooxda Napoli.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in kooxda Man City dalab 55 milyan ah diyaar u ahayd in ay kula soo wareegto xiddiga laakiin Napoli ayaa doonaysay lacag intaas ka badna.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Napoli kaliya doonaysay in ay iibiso xiddiga hadii miiska loo saaro dalab dhan 75 milyan oo euro.

Sii Akhriso: Xaqiiqada Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi & Wasiirkada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Oo Laga Hadlay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*