La Ogaaday: Lionel Messi Oo Ku Guulaystay Copa America Isaga Oo Dhaawacan.

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa amaanay kabtanka xulka qarakiisa Lionel Messi isaga oo shaaca ka qaaday in uu ciyaaray kulankii finalka Copa America ee ay Brazil la ciyaarayeen isaga oo dhaawacan.

Xulka Argentina ayaa ku guulaystay koobka Copa America iyaga oo garaacay xulka Brazil kulan ka dhacay garoonka Maracana.

Scaloni ayaa yiri “hadii aad ogaan laheyd qaabka uu u ciyaaray Copa America, inbadan waad jeclaan laheyd.”

Wuxuu intaa ku daray: “kama tagi kartid isaga xitaa hadii uuna taam ahayn sidii kulankii hore”.

“Waxa aan ka hadlaynaa xiddigii ugu fiican kubada cagta Abid, qof walbana wuu ogyahay sida ay muhiimka u tahay in aan ugu guulaysano koobka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*