La Ogaaday: Kooxo Premier League Ah Oo UEFA Ku Riixaya In Man City Laga Diido In Ay CIyaarto Champions League Inta Ay Sugayso Jawaabta Racfaanka Ay Qaadanayso.

Kooxaha premier League ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaaben Olole ay Man City kaga hor istaagayaan in ay ciyaarto tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Pep Guardiola ayaa dusha laga saaray ganaax 2 sano oo tartamada yurub ah kadib markii lagu helay dambi ah in ay jabiyeen xeerka dhaqaale wanaaga.

Laakiin Man City ayaa markiiba ka gudbisay Racfaan ay ka qaadanayso ganaaxa iyaga oo maxkamada kubada cagta ee CAS ula tagay Racfaankooda.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay 8 kooxood oo ka mid ah 10-ka koox ee ugu sareeya horyaalka Premier League in ay Gudbiyeen warqad ay Maxkamada kubada cagta adduunka ee CAS kaga dalbanayan in Man City loo diido in ay ciyaarto champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha Liverpool, Leicester City, Chelsea, Man United, Wolves, Tottenham, Burnley & Arsenal ayaa ah 8-da koox ee diidan in ay Man City xilli ciyaareedka dambe ciyaarto tartamada yurub.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*