La Ogaaday; Kooxda Uu Pogba Doorbidayo In Uu Ku Biiro Oo La Ogaaday, Mana Ahan Man City.

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa inuu isha ku hayo ku laabashada Juventus xagaagan, inkastoo ay xiiseynayaan Manchester City iyo Paris Saint-Germain.

Xiddiga reer France ayaa ku jira todo baadyadii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Man United waxana uu qaab xor ah uga tagi doonaa kooxda.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Man United iyada oo uu Guardiola si lama filaan ah ugu dhaqaaqayo saxiixa xiddiga reer France.

Sidoo kale Kooxda PSG ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga reer France iyaga oo doonaya in ay ku celiyaan dalkiisa si uu halkaas uga ciyaaro.

Laakiin sida laga soo xigtay Football Transfers, Pogba ayaa doonaya in uu ku laabto kooxda Juventus halkii uu ku biiri lahaa kooxaha PSG ama Man City.