La Ogaaday: Goolhayihii Ay Chelsea Doonaysay Saxiixiisa Ka Hor Intii Ayna U Dhaqaaqin Mendy Oo La Ogaaday.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay doonaysay saxiixa Goolhayihii hore ee kooxda Arsenal ee Wojciech Szczesny xagaagii hore ka hor intii ayna u dhaqaaqin Goolhaye Edouard Mendy.

Blues oo uu hogaaminayay Frank Lampard xagaagii hore ayaa doonaysay Goolhaye cusub ka hor intii ayna 22 milyan oo euro ugu dhaqaaqin saxiixa Goolhaye Edouard Mendy.

Wargayska Daily Telegraph ayaa sheegaya in uu Lampard doonayay saxiixa Goolhayaha kooxda Juventus ee Szczesny laakiin Goolhayaha reer Poland ayaa iska diiday in uu ku laabto London.

Ugu dambayn kooxda cheslea ayaa 22 milyan kula soo saxiixatay Goolhaye Mendy kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii hore.

Szczesny ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Juventus tan ilaa markii uu ku biiray xagaagii 2017 isaga oo u ciyaaray 129 kulan goolkiisana ilaashaday 53 kulan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*