La Ogaaday: Fashilkii Timo Werner Ee Ku Biirista Man United iyo Liverpool Oo La Ogaaday.

Weeraryahanka Chelsea Timo Werner ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayay inuu ku biiro Manchester United wuxuuna la qaatay “kulan qarsoodi ah” Liverpool ka hor inta uusan u saxiixin Blues.

Weeraryahanka reer Germany ayaa saxiixay kooxda heysata Champions League xagaagii hore isaga oo kaga soo biiray kooxda RB Leipzig isaga oo ugu biiray lacag dhan 48 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee Werner ayaa u ciyaari lahaa midkood kooxaha Man United ama Liverpool sida agu cadeeyay kiis yaala maxkamad Germany ah.

Wakiilka hadda ee Werner Karl-Heinz Forster iyo saaxiibkiisii ​​hore Murat Lokurlu ayaa hadda isku khilaafsan ‘muranka malaayiin doolar’ sida uu qoray Bild.

Macluumaadka ku saabsan dookhyadii Werner ee xagaagii la soo dhaafay ayaa la soo bandhigay intii lagu jiray kiiska aan xasilloonayn ee u dhexeeyay labada Qof.

Isla wargyska ayaa sheegaya in uu Werner doonayay in uu ku biiro kooxaha Man United iyo Liverpool isaga oo xitaa wadahadalo qarsoodi ah la qaatay kooxda Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*