La Ogaaday: Faah-Faahinta Heshiis Ay Real Madrid Ku Doonysay Saxiixa Robert Lewandowski Oo La Helay.

Waxa la helay faah-faahinta heshiiskii ay kooxda Real Madrid ku doonaysay weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo la diyaariyay bishii December ee sanadkii 2013 waxana ku jira xogo sida mushaharka xiddiga iyo mudada uu saxiixayo.

Markii heshiiskan la qoray Robert Lewandowski ayaa heshiis afka ah la gaadhay in uu ku biiro kooxda Bayern Munich markaas oo uu ka tagayay Kooxda Borussia Dortmund.

Faah-Faahinta heshiiskan waxa soo dusliyay wargayska reer Poland ee Onet Sport kuwaas oo sheegay in uu Robert Lewandowski mushahar ahaan u heli lahaa 11 milyan oo euro hadii uu wakhtigaas ku biiri lahaa Real Madrid.

Heshiiska ay Real Madrid doonaysay in ay ka saxiixato xiddiga Robert Lewandowski ayaa gaadhayay ilaa xagaaga sanadkan waxana uu sanadkii mushahar ahaan u qaadanayay lacag dhan 10 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee heshiiska ayaa dhicn Lewandowski  waxa uu ugu dambayn ku biiray kooxda Bayern Munich oo uu ilaa haatan joogo.

Sii Akhriso: Somaliya Oo Mar Kale Hawada Ka Celisay Diyaarad Kenya Ka Socotay & Sababta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*