Cristiano Ronaldo Oo Iska Diiday Ku Biirista Atletico Madrid Oo & Sababta Oo La Ogaaday

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday fursad uu xagaagan ugu biiri lahaa Atletico Madrid, ka hor inta uusan dib ugu laaban Manchester United.

36 jirkaan ayaa ka tagay Juventus wuxuuna dhameystiray ku laabashadiisa Old Trafford maalintii ugu dambeysay suuqii xagaaga, isagoo saxiixay heshiis labo sano ah.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay idaacadda Cadena Ser, Wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes ayaa isku dayay in uu xiddiga uu wakiilka u yahay ku celiyo La Liga suuqii xagaaga.

Kadib markii ay Real Madrid iska diiday saxiixa xiddiga isla markaas Barcelona dhaqaale u wayday saxiixiisa, Atletico Madrid ayaa loo soo bandhigay saxiixa xiddiga.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in uu Ronaldo diiday ku biirista Atletico Madrid kana doortay ku laabashada kooxda Man United oo uu horay ugu soo ciyaaray.

Sidaas darteed xiddiga 36 jirka ah ayaa iska diiday ku biirista Atletico Madrid sabab la xidhiidha in uu ka cabsaday cadhada taageerayaasha kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Sii Akhriso: Sideed Ku Garanaysaa Qofka Si Qarsoodi Ah Kaaga Fikirayo?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*