La Ogaaday: Barcelona Oo Sabab La Yaab Leh Ku Diiday Saxiixa Alphonso Davies

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Hristo Stoichkov ayaa shaaca ka qaaday in uu Maamulka Barcelona kula taliyay in ay la soo saxiixdaan xiddiga Bayern Munich ee Alphonso Davies markii uu yaraa.

Davies ayaa haatan ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubada cagta wakhti xaadirkan booskiisa waxana ay Bayern ka soo heshay horyaalka Dalka maraykanka gaar ahaan kooxda Vancouver Whitecaps.

Stoichkov oo la hadlaya TUND ayaa yidhi”Waxa aan Barcelona kula taliyay in ay la soo saxiixato Alphonso Davies laakiin way diideen sabab la xidhiidha in uu yahay xiddig Canada u ciyaara iyo in uu ka ciyaaro horyaalka Maraykanka”.

“Waxa ay ii sheegeen in uuna lahayn tayo uu ugu ciyaari karo kooxda Barcelona”ayuu sii raaciyay.

Davies ayaa haatan ka mid ah xiddigaha sida weyn loo hadal hayo dhinaca qaab ciyaareedkiisa marka la qiimeeyo waxana aan shaki ku jirin in ay Barcelona ka shalaynayso go’aankii ay ku diiday saxiixiisa.