La Ogaaday: Barcelona Oo Laba Koox Oo Premier League Ah Ku Garaacday Da’yarka Wacdaraha Dhigaya Ee Pedri.

Xiddiga wacdaraha ka dhigaya kooxda Barcelona ee Pedri ayaa lagu soo waramayaa in uu ku wajahnaa horyaalka premier League ka hor intii ayna Barcelona ku garaacin saxiixiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee Pedri ayaa la sheegayaa in uu midkood ku biiri lahaa kooxaha Liverpool Iyo Chelsea intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Pedri ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Barcelona ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Spain ayaa dhaliyay hal gool 7 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Barcelona kadib markii uu xagaagii kaga soo biiray kooxda Las Palmas.

Xiddiga 17 jirka aha ayaa ku dhawaa in uu ku biiro kooxaha Liverpool iyo Chelsea laakiin wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu xiddigu iska diiday labadaas koox si uu ugu biiro kooxda Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*