La Ogaaday: Aston Villa Oo Isku Dayday In Ay Man United Ka Iibiso Jack Grealish Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay Ee Heshiiska, Sabab.

Kooxda Aston Villa ayaa lagu soo waramayaa in ay saxiixa xiddiga Jack Grealish u soo bandhigtay kooxaha Man United iyo Real Madrid intii uu xiddigu qarka u saarnaa in uu ku biiro Man City.

Grealish ayaa kooxda Man City ku biiray maalmo yar kadib markii ay Aston Villa isku dayday in ay hakiso heshiiska uu ugu biirayo kooxda Man City.

Jack Grealish ayaa doonayay in uu ku biiro kooxda Man City laakiin Aston Villa doonaysay in ay ka iibsio laba kooxood oo kale iyaga oo kooxaha Man United iyo Real Madrid u soo bandhigay saxiixa xiddiga.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Aston Villa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee heshiiska u soo bandhigtay xiddiga kooxaha Man United iyo Real Madrid si ay Man City ugu garaacaan saxixia xiddiga.

Laakiin ugu dambayn xiddiga reer England ayaa ku biiray kooxda Man City isaga oo ugu biiray heshiis rikoodh ah oo 100 milyan ah sidaasna ku noqday saxiixa ugu qaalisan taariikhda kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*