La Ogaaday: Arsenal Oo Seegtay Saxiixa Diogo Jota Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Liverpool

Kooxda Arsenal ayaa la sheegayaa in ay seegtay saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Diogo Jota ka hor intii uuna ku biirin Atletico Madrid sanadkii 2016 sida ay sheegayaan wararku.

Jota ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday Anfield tan ilaa markii uu ku soo biiray xagagaii isaga oo dhaliyay 7 gool 11-kii kulan ee ugu horeeyay.

Xiddiga reer Portugal ayaa goolal ka dhaliyay meel walba oo uu aaday isaga oo 44 gool u dhaliyay 131 kulan oo uu u ciyaaray Wolves.

Wargayska The Athletic ayaa haatan sheegaya in Arsenal doonaysay saxiixa xiddiga sanadkii 2016 ka hor intii uuna ku biirin Atletico Madrid.

Xiddiga laftiisa ayaa sheegay in uu iska diiday dalabka Arsenal kana doortay ku biirista kooxda Atletico Madrid oo uu ugu dambayn ku fashilmay.

“Qaabkii ay Atletico Madrid dalabka iigu soo bandhigtay ayaa ahaa mid ka fiican Arsenal”ayuu Jota yidhi.

“Dhanka qiimaha isku mid ayay ahaayeen laakiin waxa aan jeclaaday qaabkii uu Milkiilaha kooxdu ii doonayay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*