La Ogaaday: 9 Koox Oo Premier League Kuwaas Doonayay In Champions League Laga Ganaaxo Man City Oo La Ogaaday.

Maxkamada kubada cagta ee CAS ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay kooxaha Premier League ka ciyaara ee doonayay in aan Man City laga qaadin ganaaxii laga saaray tartanka Champions League.

Man City ayaa bishii 2-aad ee sanadkan dusha laga saaray ganaax 2 sano oo champions League ah kadib markii lagu helay dambi ah in ay jabisay xeerka dhaqaale wanaaga.

Man City oo ku adkaysanaysay in ayna wax dambi ah lahayn ayaa isla markiiba racfaan ka gudbisay maxkamada kubada cagta ee CAS si ay uga doodo ganaaxa dusha laga saaray.

Maxkamada kubada cagta ee CAS ayaa haatan xaqiijisay ama magacawday 9 koox oo premier League ah kuwaas oo warqad wada jir ah u gudbiyay maxkamada kana codsaday in aan racfaanka laga qaadin Man City.

Kooxaha talaabadaas qaaday ayaa kala Arsenal, Burnley, Chelsea, Leicester, Liverpool, Man Utd, Newcastle, Tottenham & Wolves kuwaas oo doonayay in ay City 2 sano ka maqnaato champions League.

Laakiin kooxahaas ayaa dhamaantood ku hungoobay iyada oo Man City bilowgii bishan July ku guulaystay in laga qaado ganaaxa 2-da sano ee champions League.

Sii Akhriso: Beesha Caalamka Oo Ka Fal Celisay Xil Ka Qaadistii Ra’isal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*