La Ogaaday: 6-dii Kooxood Ee Uu Erling Haaland Ka Fiirsaday In Uu Ku Biiro Ka Hor Man City Oo La Ogaaday.

Aabaha dhalay xiddiga Man City ee Erling Haaland ayaa magacaabay Liiska 6 xiddig oo uu xiddiga Haaland ka fikiray in uu ku biiro suuqii xagaaga ka hor intii uuna ku biirin Man City.

Haaland ayaa Man City kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Intii uuna Haaland Ku biirin MaN City waxa jiray dookhyo kooxo kale oo uu xiddigu ka fiirsaday sida uu xaqiijiyay aabaha dhalay xiddiga reer Norway.

“Liiska Haalan, Man City ayaa ahayd kooxda ugu fiican”ayuu yidhi Alfie Haaland.

“Bayern Munich ayaa ahayd kooxda 2-aad, Real Madrid ayaa ku jirtay kooxda 3-ad, PSG, 4-aad”.

“Sidoo kale waxa aan eegnay kooxo premier League ah oo u fiican sida Man City waxana ay ahaayeen Liverpool iyo Chelsea, waxana ugu dambaysay Barcelona”ayuu sii raaciyay.