La Ogaaday: 5 Xiddig Oo Man United Ah Oo Aan Ku Faraxsanayn Shaqada Solskjaer Kadib Bar-Barihii Everton Oo La Ogaaday.

Mustaqbalka tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa yeeshay waji cusub kadib markii la ogaaday 5 xiddig oo kooxda ah kuwaas oo aan ku faraxsanayn shaqada tababaraha kadib bar-barihii ay Man United la gashay Everton kana tirsanaa premier League.

Kooxda Man United ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Everton kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa todobaadkii 7-aad ee horyaalka Premier League.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in ay jiraan 5 xiddig oo kooxda 1-aad ah kuwaas oo aan ku faraxsanayn shaqada tababaruhu ka hayo kooxda waliba shaki galiyay awoodiisa tababaranimo.

Isla wargayska ayaa sheegaya in xiddigaha Cristiano Ronaldo, Paul Pogba, David De Gea, Jadon Sancho iyo Donny van de Beek ayaa ah xiddigaha aan ku faraxsanayn shaqada tababaraha reer Norway.

Man United ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyada oo kaliya 2 kulan badisay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*