La Liga Mise Bundesliga? Robert Lewandowski Oo Is Bar-Bar Dhig Ku Sameeyay Labada Horyaal

Xiddga weerarka uga ciyaara Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa sheegay in uu horyaalka Bundesliga ka fiicanyahay kana adag yahay horyaalka La Liga.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Barcelona tan ilaa markii uu kaga soo biiray Bayern Munich xagaagii.

Xiddiga Lewandowski ayaa si fiican u garanaya Bundesliga maadama uu 9 sano joogay halkaas waxana uu haatan ka ciyaarayaa horyaalka La Liga oo uu si fiican ula qasbaday.

“Bundesliga ayaa shaki la’aan ka adag La Liga, dhinaca jir ahaanta, Spain kooxuhu waxa ay ciyaarayaan kubada laakiin difaac ahaan ma ciyaaraan”ayuu Lewandowski yidhi.

Lewandowski ayaa 8 gool ka dhaliyay Horyaalka La Liga kadib markii uu ciyaaray 6 kulan ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*