Kylian Mbappe Oo Shardi Heegan Galiyay Liverpool & Real Madrid Ka Dalbaday PSG

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxdiisa ka dalbaday in ay lacag lagu bur-burin karo ku darto heshiiskiisa cusub kaas oo u ogolaan kara in uu isaga tago kooxda hadii uu doono.

Xiddiga 22 jirka ah ayuu heshiiskiisa haatan ee kooxda PSG dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana lala xidhiidhinayaa kooxaha Liverpooiyo Real Madrid bilihii ugu dambeeyay.

Wargayska Foot Mercato ayaa sheegaya in uu Mbappe diyaar u yahay in uu qalinka ku duugo heshiis cusub oo kooxda PSG ah hadii ay kooxdu ogolaato shardigiisa.

Ugu horayn Mbapppe ayaa doonaya in uu la mushahar noqdo xiddiga Neymar oo ah xiddiga ugu mushaharka badan todobaadkiina qaata lacag dhan 520 kun oo Gini.

Sidoo kale Mbapee ayaa doonaya in heshiiskiisa lagu xidho lacag lagu bur-burin karo hadii uu doorto in uu isaga tago kooxda mustaqbalka dhaw.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*