Kylian Mbappe Oo Sharaxay Sababtii Uu Doonayay In Uu Uga Tago PSG

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa sharaxay sababtii uu doonayay in uu isaga tago kooxda PSG suuqii xagaaga xilli uu warqada bixitaanka u gudbiyay kooxda reer France.

Kylian Mbappe Ayaa xagaagii lala xidhiidhinayay kooxda Real Madrid kuwaas oo xitaa 3 dalab ka gudbiyay saxiixiisa si ay u helaan saxiixa xiddiga reer france intii uu furnaa suuqii xagaaga.

Mbappe oo la hadlaya wargayska RMC Sport ayaa yidhi”Waxa aan u malaynayay in uu safarkaygii PSG dhamaaday”.

“Waxa aan doonaayy in aan ka ciyaaro meel kale, waxa aan horyaalka France jooga 6 ama 7 sano”.

“Laakiin cid walba waxa ay xor u yihiin in ay sheegaan waxa ay doonayaan, qiimayntaydu waxa ay ahayd in aan ka ciyaaro horyaal kale”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*