Kylian Mbappe Oo Shaaciyay Koox Uuna Ku Biiri Doonin Hadii Uu ka Tago PSG.

Mustaqbalka Kylian Mbappe ayaa u dhexeeyay laba kooxood kuwaas oo kala ah PSG iyo Real Madrid tan ilaa sanadkii 2017.

Xiddiga reer France ayaa aad ugu dhawaaday in uu ku biiro Real Madrid laakiin daqiiqadihii ugu dambeeyay ayuu go’aansaday in uu ku biiro kooxda PSG.

Si kasta ha ahaatee kooxda Liverpool ayaa si dhaw loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer France bilihii ugu dambeeyay.

Xilli ciyaareedkan Liverpool ayaa si dhaw ula socotay xiddiga waxana ay doonaysay saxiixa xiddiga in ay ku garaacdo kooxda Real Madrid.

Laakiin xiddiga ayaa sheegay in uuna ku biiri doonin horyaalka England ama Premier League sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhaw qoyska xiddiga.

Xiddiga reer France ayaa go’aamin doona halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe iyada oo la filayo in uu go’aan gaadho maalmaha soo socda.