Kylian Mbappe Oo Qarka U Saran In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo PSG

Kylian Mbappe ayaan Albaabka ka xidhin in uu sii joogo kooxda PSG iyada oo Hooyadiis sheegtay in ay kooxdu wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirto xiddiga.

Mbappe ayaa si aad ah u doonayay in uu isaga tago kooxda PSG si uu ugu biiro Real Madrid laakiin hehsiiska ayaan dhicin xilli heshiiskiisa PSG uu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Waxa aan wadahadalo heshiis kula jirnaa PSG, Haatan wax walba waxa ay u socdaan si fiican”ayay sheegtay Hooyada Mbappe.

“Waxa aan la hadlay Leonardo xalay, waxana iska cad in uu Kylain wax walba u qaban doono kooxda ilaa inta uu PSG kula guulaysanayo champions League.

“Kylian waxa uu ku faraxsanyahay PSG, hadii uu niyad jabsanyahay wuu kuu sheegayaa arintaas”

“Kylian wax walba waxa ay isku badali karaan maalin ama mida xigta”.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*