Kylian Mbappe Oo Loo Sheegay Sababta Tahay In Uu Isaga Tago PSG.

Halyeeyga reer France ee Nicolas Anelka ayaa xiddiga Kylian Mbappe u sheegay in uu isaga tago kooxda PSG hadii uu doonayo in uu ku guulaysto abaalmarinaha ugu waaweyn kubada cagta.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda waxaana uu ilaa iyo haatan diidan yahay inuu heshiis cusub u saxiixo iyadoo Real Madrid ay aad u dooneyso saxiixiisa.

Haddii Mbappe uu doonayo inuu ku guuleysto abaalmarinta ugu weyn, sida Ballon d’Or, Anelka ayaa u sheegay in uu ku biiro horyaal kale.

“Haddii aad rabto abaalmarinta ugu weyn, waa inaad ka tagto PSG”ayuu u sheegay The Athletic.

“Wax walba oo aad kula guulaysato PSG way fiicnaan doontaa laakiin mar walba waxa la odhan doonaa kaliya waxa ay ahayd France, horyaalada ugu waaweyna waa England iyo Spain, sidaas darteed kamaad ciyaarin horyaalada ugu fiican”..

“Waa inaad go’aansataa, haddii aad rabto inaad ku guuleysato Ballon d’Or, taas oo ay tahay waxa ay tahay in aad raadiso sida Ronaldo Iyo Messi, waa in aad ka ciyaarto horyaalada ugu fiican”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*