Kylian Mbappe Oo Kashifay Kooxda Kaliya Ee Uu Doonayay In Uu Kaga Biiro PSG Suuqii Xagaaga.

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa magacaabay kooxda kaliya ee uu ku biiri lahaa hadii uu ka tago kooxda PSG.

Mbappe ayaa si weyn loola xidhiidhinayay ka tagista kooxda PSG xagaagii oo dhan iyada oo lala xidhiidhinayay kooxda Real Madrid.

Heshiiska Mbappe ee kooxda PSG ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Reer France.

“Waxaan ku xirnahay PSG, haddii aan xagaagan bixi lahaa, waxa aan kaliya ku biiri lahaa Real Madrid, hamigaygu wuxuu ahaa mid cad xagaagan”. Kylian Mbappe ayaa u sheegay L’Equipe

“Maxaa igu qancin doona in aan joogo PSG? Waan soo dhaafnay waxaas tan ilaa maadama aan doonayay in aan isaga tago kooxda suuqii xagaaga, ma diri doono fariimo maldahana, hamigaygu wuu cadaa, haatana waan arki doonaa waxa dhaca, haatan mustaqbalkaygu muhiim ma ahan”.

PSG ayaa la sheegayaa in ay Real Madrid ka diiday dalab 220 milyan oo euro oo ay Los Blancos ka gudbisay saacadihii ugu dameeyay ee suuqii kala iibsiga xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*