Kylian Mbappe Oo Heegan Cusub Giliyay Real Madrid Iyo Liverpool , Talaabo Noocee Ah Ayuu Qaaday?

Kylian Mbappe ayaa muujiyay in uu qorsheynayo in uu ka huleelo kooxda PSG , waxa ayna tani heeggan buuxa gilisay kooxaha Real Madrid iyo Liverpool si fog u doonaya da`yarkaas .

Kylian Mbappe ayaa la soo xiganayaa in uu ku war giliyay maamulka PSG in uu doonayo in kooxda uu ka huleelo dhamaadka xilli ciyaareedkaan

Wargeyska Le Parisien ayaa soo xigtay in laacibkaas uu muujiyay in uusan dareemeyn rabitaan ah in uu sii joogo kooxda waliba uu ku war giliyay in ay iibiyaan ka hor inta qiimihiisa suuqa is dhimin ama uusan ku bixin qaab xor ah .

Hishiiska 21-sano jirkaas ee PSG ayaa dhacaya xagaaga 2022-ka , waxa ayna haatan PSG ku qasban tahay in ay iibiyaan dhamaadka xilli ciyaareedkaan haddii aysan ku guuleysan in ay ku qanciyaan in kooxda uu sii joogo waliba uu saxiixo hishiis cusub

Liverpool iyo Real ayaa haatan ah labada koox ee sida dhabta u u doonaya laaicbkaas waxaana la xaqiijiyay in xariiro hoose ay la sameeyeen Kylian Mbappe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*