Kylian Mbappé Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa, Real Mise PSG?

Kylian Mbappé Ayaa u muuqda mid go’aan kama dambays ah ka gaadhay mustaqbalkiisa xilli ay kooxaha PSG iyo Real Madrid si dhaw ula socdaan xaalada xiddiga reer France.

PSG ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato Mbappe kuna sii haysato kooxda halka ay Real Madrid doonayso in ay xiddiga qaab xor ah ku hesho dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Saxafiga reer Italy ee Gianluca Di Marzio ayaa sheegay in uu Mbappe go’aansaday in uu sii joogo kooxda PSG waliba heshiis cusub u saxiixa kooxda reer France.

Gianluca Di Marzio ayaa sheegay in uuna shaki ku jirin in uu Mbappe sii joogi doono kooxda PSG waliba qalinka ku duugi doono heshiis cusub oo uu ku joogi doono kooxda.

Si kasta ha ahaatee Gianluca Di Marzio ayaa sii Raaciyay in uu Mbappe ka dalbaday PSG in aan lagu dhawaaqin heshiiska cusub ilaa dhamaadka Final-ka champions League.

Sababta uu Mbappe u dalbaday in aan lagu dhawaaqin heshiska ilaa dhamaadka champions league ayaa ah in uuna doonayn in uu warkan khal-khal galiyo diyaar garawga Real Madrid ee champions League.