Kylain Mbappe Oo Dilay Rajadii Ay Real Madrid Ka Qabtay Saxiixiisa Xagaaan, Maxaa Cusub?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa si maldahan u dilay rajada ay Real Madrid ka qabto saxiixiisa kadib markii uu sheegay in ay riyadiisa ugu weyn tahay in uu PSG kula guulaysto champions League.

xiddiga 22 jirka ah ayay hal sano uga dhimantahay heshiiskisia kooxda PSG kadib markii uu 132 gool u dhaliyay 171 kulan tan ilaa markii uu ku biiray kooxda sanadkii 2017.

Mbappe ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Real Madrid laakiin arintaas ayaan haatan dhici doonin xagaagan kadib markii uu sheegay in uu jecelyahay in uu PSG kula guulaysto champions League xilli ciyaareedka cusub.

Intii lagu guda jiray wareysi uu samaynayay ayuu Mbappe yidhi”Riyadeyda ugu weyn waa in aan PSG kula guulaysto champions League, waxa ay noqon lahayd mid cajiib ah”ayuu yidhi.

Arintan ayaa meesha ka saaraysa rajadii ay kooxda Real Madrid ka qabtay saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Uu Jacaylkaagu Waligiis Jiro Oo Aad Is Jeclaataan Inta Aad Adduunka Joogtaan, 8-dan Sir Ayaa Ku Caawin karta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*