Kurt Zouma Oo Digniin U Diray Liverpool Ka Hor Kulankooda Axada.

Daafaca Kooxda chelsea ee Kurt Zouma ayaa Liverpool u sheegay in ay Blues diyaar u tahay in ay dhaawacdo difaacashada Liverpool ee horyaalka.

Kurt Zouma ayaa ku qanacsan in ay chelsea xilli ciyaareedkan ku tartami doonto premier League isaga oo rumaysan in uu Timo Werner ka caawin karo arintaas.

Chelsea ayaa Axada Liverpool ku marti galin doonta Stamford Bridge kulankii ugu horeeyay ee ay iska hor yimaadaan 6-da kooxood ee ugu waaweyn horyaalka.

“Waxa ay haystaan 3 weeraryahan oo cajiib ah laakiin sidoo kale anagu waxa aan haysanaa hub khaas ah, waanan dhaawici karnaa, waxa uu noqon doonaa kulan weyn oo la daawan karo”ayuu Kurt Zouma Yidhi.

“Xilli Ciyaareedkii Hore Liverpool waxa ay awood ku haystay premier League laakiin xilli ciyaareedkan waa mid cusub wax walbana waxa aan u qaban doonaa in aan u tartano horyaalka”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*