Kuma Ayuu Ahaa Xiddig Ay Liverpool Indha-Indheeyayaasha U Dirtay Kulankii Portugal Vs Ghana.

Kooxda Liverpool ayaa indha-indheeyayaal u dirtay kulankii Portugal iyo Ghana ee koobka adduunka sida laga soo xigtay Sports World.

Indha-indheeyayaasha Liverpool ayaa si dhaw ula socday xiddiga xulka qaranka Ghana iyo waliba kooxda Ajax ee Mohamed Kudus iyada oo uu Klopp doonayo in uu xiddiga keeno Anfield.

Klopp ayaa si fiican ula dhacsan xiddiga ka ciyaari kara boosas badan oo garoonka ah kana mid yahay khadka dhexe ee ay Liverpool ku dhibaatoonayso xilli ciyaareedkan.

Mohamed Kudus ayaa is muujiyay kulanka waxana uu ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kulanka inkasta oo uuna wax gool ah dhalin.

Xiddiga Mohamed Kudus ayaa kooxda Ajax u ciyaaray 21 gool xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 10 gool halka uu 4 gool dhaliyay champions League.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa lagu qiimeeyaa kaliya lacga dhan 15 milyan oo euro waana xiddig uu Klopp doonayo in uu keeno suuqa January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*