Kulankii Uu Xulka England Garaacay Ukraine Oo Jabiyay Rikoodh Sanadkan Ah

Shabakada BBC Sport ayaa sheegtay in kulankii uu xulka England guusha weyn ka gaadhay Xulka Ukraine ee tartanka Euro 2020 ahaa kulankii loogu daawashada Badnaa dhanka Tv-yada ilaa haatan sanadka 2021.

Ku dhawaad 20.9 milyan qof ayaa kulanka ka daawaday Tv-yada taas oo cel-celis ahaan u dhiganta 81.8% taas oo ah rikoodhka daawashada kubada cagta ilaa haatan sanadka 2021.

Waxa intaas sii dheer in dad dhan 5.2 milyan qof ay ka daawadeen Iplayer iyo Website-ka BBC Sport kulankii uu xulka England iska xaadiriyay Semi-final-ka euro 2020.

Kulankii England iyo Ukraine ayaa ka daawasho badnaa kulamo waaweyn oo ka dhacay tartanka Sida Italy Vs Belguim, Portugal Vs France, France Vs Portugal iyo Germany Vs Portugal.

Xulka England ayaa Semi-final-ka tartanka la ciyaari doona xulka Denmark Arbacada iyaga oo isga ku haya in ay iska xaadiriyaan Final-ka tartanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*