Kulanka Ugu Horeeya Ee Uu Raphael Varane Man United U Safan Doono Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa salaasadii ku dhawaaqday in ay Real Madrid kala heshiisay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Raphael Varane kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii 2-aad ee ugu weynaa xagaagan.

Red Devils ayaa aad u doonaysay saxiixa xiddiga todobaadyadii la soo dhaafay waxana ay haatan si Rasmi ah ugu guulaystay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Varane ayaa la filayaa in uu tdobaadka dambe yimaado magaalada Manchester Si uu tijaabada caafimaadka ugu maro isla markaasna loo soo bandhigo saxaafada.

Man United ayaa doonaysa in uu Varane diyaar u noqdo bilowga xilli ciyaareedka cusub ee prmeier League gaar ahaan kulanka Leeds United ee ugu horeeya horyaalka premier League.

Laakiin Varane ayaan sugi doonin ilaa kulankaas si uu kulankiisii ugu horeeyay ugu ciyaara kooxda Man United iyada oo uu xiddigu kulankiisa ugu horeeya ciyaari doono kulanka Everton ee 7 bisha August todobaad ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: Sifooyinka Gabadha Quruxda Badan Ee Ay Raggu Ka Baxsadaan, Hadii Gabadhu Leedahay Sifooyinkan Ma Jiro Nin U Istaagaya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*