Kulanka Ugu Horeeya Ee Antoine Semenyo U Ciyaari Doono Man City Oo La Xaqiijiyay.

Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Antoine Semenyo uu ku dhow yahay inuu si degdeg ah kulankiisii ugu horreeyay ugu safto Manchester City.

Weeraryahanka reer Ghana ayaa ugu dambayn saaka dhammeystiray heshiiskiisa £64 milyan ah ee uu kaga soo wareegay Bournemouth kuna biiray Etihad Stadium, ka hor kulanka wareegga saddexaad ee FA Cup-ka ee Sabtida, oo ay City gurigeeda kula ciyaari doonto kooxda League One ee Exeter.

Isagoo la hadlayay warbaahinta shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib saacaddii u dambeysay, Pep Guardiola wuxuu xaqiijiyay in Semenyo uu ku jiri doono liiska ciyaartoyda City berrito, balse weli ma oga inuu ku bilaaban doono kulanka iyo in kale.

Guardiola wuxuu ka yiri saxiixa:
“Qof walba wuu garanayaa tayadiisa, sax?

“Wuxuu si cajiib ah uga ciyaaray Bournemouth, wuxuuna ka ciyaari karaa labada garab – midig iyo bidix – labadaba lugihiisa si aan caadi ahayn ayuu u adeegsadaa.

“Wuxuu sidoo kale u ciyaari karaa weeraryahan ahaan, isagoo leh xawaare, waana yaqaan Premier League.

“Naadiyo badan ayaa doonayay, isaguna wuxuu doortay inuu nagu soo biiro. Waxa kaliya ee aan dhihi karo waa mahadsanid. Aad ayaan ugu faraxsanahay sannadaha soo socda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga