Kulanka Barcelona Vs Napoli Oo Lagu Ciyaari Karo Garoon Aan Ahayn Camp Nou, Sabab.

Xanuunka Korona ee ku soo laabtay Catalonia ayaa saamayn ku yeelan doona kulanka champions league ee ay Barcelona la ciyaari doonto Napoli.

Kulanka lugta 2-aad ee wareega 16-ka ayaa lagu ciyaari doonaa Camp Nou oo bilaa taageerayaal ah 8 bisha August.

Wargayska RAC1 ayaa sheegaya in Kulanka laga yaabo loo raro garoon kale sabab la xidhiidha Kiisaska xanuunka Korona ee sii badanaya.

Xidhiidhka UEFA ayaa dawlada Catalonia iyo wasaarada caafimaadka waydiiyay xaalada xanuunka Korona ee gobolka.

Go’aanka kama dambaysta ah ee kulanka ayaa lagu qeexi doonaa xaalada joogtada ah ee laga helo dagaalka ay dawladu kula jirto xanuunka.

Laacib.net

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*