Kulanka Barcelona & Granada Ee Horyaalka La Liga Oo Khatar Ugu Jira In La Baajiyo, Sabab.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa ku soo waramaya in kulanka Barcelona iyo Granada ee horyaalka La Liga khatar ugu jiro in la baajiyo.

Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Granada kulan ka dhici doona garoonka Los Cármenes kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka La Liga.

Laakiin Kulankaas ayaa haatan khatar ugu jira in la baajiyo sabab la xidhiidha Baraf waali ah oo ka da’aya magaalada Granda.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay jirto suurtagalnimo lagu baajin karo kulanka hadii ayna xaaladuhu dagin saacadaha soo socda.

Magaalada Granada ayuu saacadihii ugu dambeeyay ka da’ayay baraf waali ah kaas oo sabab u noqon kara in kulanka Barcelona iyo Granada la joojiyo maanta.

Arintan ayaa imanaysa xilli haatanba la xaqiijiyay in la joojiyay kulankii ay Atletico Madrid la ciyaari lahayd kooxda Athletic Bilbao ee maanta dhici lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*