Kulanka Barcelona Ee Champions League Ay La Ciyaari Doonto Dynamo Kiev Oo Khatar Ugu Jira In La Kansalo, Sabab.

Kulanka champions League ee Arbacada dhexmari doona kooxaha Barcelona iyo Dynamo Kiev ayaa khatar ugu jira in la kansalo sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Kooxda reer Ukrain ayaa u soo safartay Spain iyaga oo soo qaatay 13 xiddig oo kooxda u ciyaari doona kulanka taas oo ah xeerka UEFA.

Sidoo kale waxa la socda 6 xiddig oo da’yar ah kuwaas oo kooxda ula soo safray Barcelona si ay ugu ciyaaraan kooxda.

Laakiin Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in 6 xiddig oo kooxda 1-aad ah laga helay xanuunka taas oo sabab u noqon karta in la kansalo sabab la xidhiidha xeerka UEFA.

Isla wargayska ayaa sheegaya in 6-da xiddig ee xanuunka lagahelay ay tababarka la qaateen kooxda intooda kale maalintii Axadii waxana haatan la samayn doonaa baadhitaan dheeraad ah.

Sii Akhriso: Madaxweyne Ka Mid Ah Maamul Goboleedyada Somaliya Oo Is Casilay & Sababta Oo La Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*