Kulanka Ay Liverpool Dib U Helayso Joel Matip Oo La Ogaaday.

Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in uu xiddiga Daafaca uga ciyaara Liverpool ee Joel Matip ku dhawyahay ku soo laabashada Tababarka kooxda ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Man United.

Liverpool ayaa ku dhibaatoonaysa dhaawacyo iyaga oo uu dhaawac uga maqan yihiin xiddigaha Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez.

Daafaca dhexe ee Joel Matip ayaa isaguna ku dhaawacmay kulanii West Brom ee horyaalka premier League.

Xiddiga reer Cameroon ayaa seegay kulamadii Newcastle United iyo Southampton kuwaas oo dhamaan ku ciyaaray meel ka baxsan Anfield.

Laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Joel Matip ka soo kabsanayo dhaawaca waliba taam u noqon doono kulanka Man United ee 17 bishan haatan lagu jiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*