Kulanka Ay Chelsea Doonayso In Uu Romelu Lukaku U Ciyaaro Kulankiisii Ugu Horeeyay Ee Chelsea Oo La Ogaaday.

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay dalab seddexaad ka gudbiso Romelu Lukaku kaas oo ku kacaya lacag dhan 105 milyan oo euro taas oo jabin doonta rikoodhka suuqa kala iibsiga ee ay Man City dhigayso hadii ay la wareegto xiddiga Jack Grealish.

Lukaku ayaa la rumaysanyahay in uu maamulka Inter Milan u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda chelsea inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Chelsea ayaa laga diiday dalab lacageed oo dhan 85 milyan oo euro iyo waliba lacag Marcos Alonso laakiin milkiilaha chelsea ayaa doonaya in uu dalab cusub ka gudbiyo saxiixa xiddiga 24 saac ee soo socda.

Chelsea ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Romelu Lukaku ka hor inta uuna bilaaban xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League kaas oo bilaaban doona 14 bishan haatan lagu jiro.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay chelsea doonayso in uu Romelu Lukaku taam u noqdo kana qayb qaato kulanka UEFA Super Cup ee ay la ciyaari doonaan kooxda Villarreal 11 bishan haatan lagu jiro.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*