Kulanka Adag Ee U Dhexeeya Juventus & Ac Milan Oo Khatar Ugu jira In La Kansalo, Sabab.

Kulanka adag ee sida weyn loo wada sugayo ee caawa dhexmari doona kooxaha Juventus iyo Ac Milan kana tirsan horyaalka Serie A-da ayaa khatar weyn ugu jira in la kansalo sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Xiddigo u ciyaara kooxda Juventus ayaa laga helay xanuunka Korona waxana ay masuuliyiinta caafimaadku ka digayaan in ay u safraan magaalada Milan oo uu kulanku ka dhici doono.

Kooxda Juventus ayaa dib u dhigtay safarka ay u safrayaan Milan kadib markii xiddigaha Juan Cuardrado iyo Alex Sandro laga helay xanuunka Korona iyaga oo sugaya natiijooyinka baadhitaanka cusub.

Kulanka ayaa ah mid si weyn loo sugayo marka loo eego qaab ciyaareed cajiib ah oo ay ku jiraan kooxda Ac Milan kana hor tagi doonto kooxda difaacanaysa horyaalka ee Juventus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*