Kulamada Uu Sergio Aguero Seegi Doono Oo La Ogaaday.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Marseille kulan ka tirsan champions League.

Liiska waxa ka maqan weeraryahanka Sergio Aguero kaas oo dhaawac ku seegi doona kulanka champions League ee habeen dambe.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Argentine seegi doono 3-da kulan ee soo socda ee tartamada kala duwan ee ay Man City ciyaari doonto.

Kulamada uu seegi doono xiddigu waxa ka mid ah Sheffield United, Olympiacos Iyo waliba kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*