Kulamada Uu N’Golo Kante Dhaawaca Uga Maqnaan Doono Chelsea Oo La Ogaaday.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee N’Golo Kante ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka ay chelsea la ciyaari doonto kooxda West Brom kulan ka tirsan premier League.

Sidoo kale Kante ayay u badantahay in uu seego kulanka ay chelsea la ciyaari doonto Fc Porto lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League sida uu xaqiijiyay tababare Thomas Tuchel.

Xiddiga reer France ayaa dhaawac muruqa ah la dibaatoonaya kaas oo ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa France intii uu ku jiray waajibaadka xulka qarankiisa.

Sidoo kale xiddiga Ayaa sidoo kale seegi kara kulanka ay Chelsea la ciyaari doonto Crystal palace isaga oo soo laaban doona kulanka lugta 2-aad ee champions League.

“Kante waxa uu qaadanayaa tababar kali ah”ayuu Thomas Tuchel yidhi.

“Waxa ay u badantahay in uu Kante seegi doono Porto sababta oo ah waxa uu ka cabanayaa dhanka muruqa sidaas darteed kama qayb ahaan doono kooxda”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*