Kulamada Uu Karim Benzema Dhaawaca Ku Seegi Doono Oo La ogaaday.

Real Madrid ayaa go’aamisay dhaawaca Karim Benzema, waxayna warbixin ku sheegtay in uu xidigu ka dhaawacmay muruqa lugta Midig iyada oo uu la sheegay kulamada uu maqnaan doono.

Wararka ayaa sheegaya in uu Benzema seegi doono 3-da kulan ee soo socda ee kooxdiisa kadib dhaawacii ka soo gaadhay kulankii Celtic ee champions League.

Xiddiga Karim Benzema ayaa garoomada ka maqnaan doona ugu yaraan 10 maalin sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Sidaas darteed xiddiga ayaa seegi doona 3-da kulan ee ay kooxdiisu ciyaari doonto kadib dhaawacii soo gaadhay kulankii champions League.

Kulamada uu Benzema seegi doono waxa ka mid ah kulanka Madrid Derby ee ay la ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid.

Hadii ay wax walba u dhacaan sida ay Real Madrid qorshaysay waxa uu xiddigu taam u noqon doonaa kulanka Osasuna ee kadib fasaxa xulalka