Kulamada Uu Harry Maguire Ka Maqnaan Doono Man United Oo La Ogaaday

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay waayi doonto kabtankeeda Harry Maguire kulamada soo socda ee bisha October sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer England ayaa ku dhaawacmay kulankii Ay Man United guuldarada kala kulantay Aston Villa Sabtidii iyada oo la badalay daqiiqadii 67-aad kadib dhaawac soo gaadhay.

Xiddiga ayaa seegaya kulanka ay Caawa Man United la ciyaari doonto kooxda Villarreal kulan ka tirsan tartanka champions League.

Tababare Solskjaer oo ka hadlaya xaalada xiddigaha kooxdiisa ayaa yidhi”Luke shaw waan argnay tababarkii ugu dambeeyay waxa aan siin doonaa fursad kulanka Villrreal”.

“Harry Maguire xaaladiisu ma cada ma ahan ahan daafac fiican, waxa uu ka dhaawacmay kubka, waxana ay qaadan doontaa todobaadyo”.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*