Kulamada Uu Granit Xhaka Ka Maqnaan Doono Arsenal Oo La Ogaaday Kadib Markii Dhaawac Soo Gaadhay Kulankii North London Derby.

Xiddiga khadka dhexe ee Granti Xhaka ayuuna soo gaadhin dhaawac jabniin ah kadib dhaawacii soo gaadhay kulankii North London Derby Axadii laakiin xiddiga ayaa muddo garoomada ka maqnaan doona.

Xiddiga reer Switzerland Ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii ay Arsenal garaacday Tottenham kulan ka tirsanaa premier League ka hor inta aanu dhaawac uga bixin ciyaarta.

Kadib baadhitaan la sameeyay waxa la xaqiijiyay in uu xiddigu ka fogaaday dhaawac halis ah laakiin u muddo ka maqnaan doono garoomada kubada cagta.

Wargayska Blick ayaa sheegaya in uu Xhaka garoomada ka maqnaan doono 8 todobaad taas oo u dhiganta 3 bilood Taas oo la macno ah in uu xiddigu seegi doono ugu yaraan 10 kulan oo ay ka mid yihiin kulamada Liverpool iyo Man United.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*