Kulamada Uu Granit Xhaka Ka Maqnaan Doono Arsenal Oo La Ogaaday Kadib Kaadhkii Casaa Ee Kulankii Liverpool.

Arsenal ayaa ku qasbanaan doonta in ay ciyaaraan la’aanta xiddiga khadka dhexe ee Granit Xhaka kulamada adag ee ay la ciyaari doonaan kooxaha Tottenham iyo Liverpool kadib markii kaadhka cas loo taagay kulankii xalay.

Xiddiga reer Switzerland ayaa ku soo laabtay shaxda Arsenal kulankii Semi-final-ka lugta 1-aad ee ay la ciyaareen Reds kadib markii uu ka soo kabsaday xanuunka Korona.

Si kasta ha ahaatee Xhaka ayaa kaadhka cas ee tooska ah loo taagay daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta kadib markii uu khalad ku galay xiddiga Diogo Jota.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa haatan seegi doona 3-da kulan ee soo socota iyada oo laba kulan muhiim u yihiin kooxdiisa kuwaas oo ka kala tirsan premier League iyo Carabao cup-ka.

Xhaka ayaa seegi doona kulanka Tottenham ee premier League, kulanka Liverpool ee lugta 2-aad ee Carabao cup-ka iyo kulanka Burnley ee 23 bisha January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*