Kulamada Uu Alisson Dhaawaca Uga Maqnaan Doono Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

Goolhayaha Liverpool, Alisson Becker, ayaa la soo sheegayo inuu garoomada ka maqnaan doono muddo ku dhow lix toddobaad, kaddib dhaawac muruqa (hamstring) ah oo soo gaadhay.

Alisson ayaa dhaawac ku baxay qeybtii labaad ee kulankii ay Liverpool guuldarro 1/0 kala kulantay Galatasaray tartanka Champions League.

Xiddiga 33 jirka ay ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa kadib fasaxa xulalka ee Bisha November.

Kadib fasaxa xulalka ee Bisha October Liverpool ayaa la ciyaari doonta Man United ka hor inta ayna champions League la ciyaarin Eintracht Frankfurt.

Reds ayaa sidoo kale la ciyaari doonta Brentford premier League ka hor inta ayna la ciyaarin Crystal Palace kulanka Carabao cup-ka.

Intaas kadib kooxda Slot ayaa la ciyaari doonta Aston Villa, Real Madrid Iyo Man City champions League.

Hadii uu Alisoon taam noqdo kadib fasaxa xulalka ee November waxa uu soo laaban doonaa kulanka Nottingham Forest ee 22 November.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga