Kulamada U Hadhay Kooxaha Atletico Madrid, Real Madrid & Barcelona Xilli Horyaalku Sii Dhamaanayo

Horyaalka La Liga ayaa meel xiiso leh maraya xilli lagu dhawyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tartanka horyaalka ayuu haatan ka dhexeeyaa 3-da kooxood ee ugu waaweyn horyaalka ee Atletico Madrid, Real Madrid & Barcelona kuwaas oo kalya 2 dhibcood kala horeeya.

Kooxaha Atletico Madrid, Real Madrid & Barcelona ayay haatan min 4 kulan u dhimantahay xilli la filayo in maalinta ugu dambaysa lagu kala boxo tartanka horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda Atletico Madrid ayaa hogaaminaya horyaalka La Liga waxana u hadhay 4 kulan oo uu ugu weynyahay kulanka ay martida u noqon doonto kooxda Barcelona halka ay Barcelona u hadheen 4 kulan oo uu ugu weynyahay kulanka Atletic Madrid.

Dhanka kale kooxda Real Madrid waxa u hadhay 4 kulan oo ay laba kulan la ciyaari doonto kooxaha Sevilla iyo Athletic Bilbao.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*